yaasin3
Madaxweynaha Jubaland ayaa Magaalada Nairobi xarunta dalkaasi Kenya ku booqday Mid ka mid ah saraakiisha Maamulkiisa oo dhowaan ku dhawaacmay rasaas ka dhacday magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku booqday isbitalka uu ku jiro Yaasiin Raadeer oo dhaawac rasaaseed oo soo gaaray loogu daweynayo.

Waxa uu madaxweynuhu ka soo laabtay safar uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay magaalada Adis ababa xarunta dalkaasi Itoobiya halkaas oo uu kulamo kula lahaa madax katirsan dagaalkaas.

Axmed Madoobe ayaa u rajeeyay Yaasiin raadeer oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka KMGah ee jubaland in uu alle caafiyo kana dabiibo dhaawacyada soo gaaray ,

Dhinaca kale Yaasiin raadeer ayaa isna saxafada ka sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay sida ugu dhaqsiyaha badanna uu dib ugu laabanayo Kismaayo.

SBC International Nairobi.