Magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Maamulgoboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe iyo wafdi balaarna oo uu horkacayo.

Madaxweynaha Puntland Dr C.raxmaan faroole iyo xubnaha labada gole ee Puntland ayaa si diiran ugu soo dhaweyay madaxweyne Madoobe garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe .

Safarka Madaxweynaha Jubaland ee Magaalada Garoowe waxaa ka horeeyay safar uu ugu soo hakaday Magaalada Gaalkcayo xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu saaka soo gaaray .

Intii uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Jubaland waxa uu ku booqday isbitalka weyn ee magaaladaas dhaawacyo ku jira kuwas oo dhowaan laga keenay dhanka iyo Magaalada kismaayo halkaas oo uu dagaal ka dhacay .

Ujeedka safarka booqashada ah ee Madaxda Jubaland ee deegaanad Puntland ayaa ah ka qeyb qalka aaska Boqorka Daarood oo lagu wado in uu maalinta Berito ah ka dhaco magaalada Qardho xarunta gobolka karkaar.

Waxaa iminka soconaya kulamada madaxda Jubaland iyo Puntland ay yeelanayaan waxii ka soo baxa kala soco wararka xiga iyo SBC Online

SBC International Garoowe,