Ka dib sadex cisho caleemo saarkiisii madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geele wuxuu ansixiyey xubno wasiiro ah oo uu soo gudbiyey Ra’isalwasaare Dileye Maxamed Dileyte oo isaga loo magacaabay Ra’isalwasaaraha.

Xubnahan wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Jibuuti ayaa waxay ka kooban yihiin 23 waxaana lagu kordhiyey 20-kii wasiir ee hore 3 wasiir oo dheeraad ah, waxaana ay kala yihiin.

 

1 – Dileyte Maxamed Dileyte:  Ra’isalwasaaraha

2 – Cali Faarax Casaawe:  Wasiirka cadaalada, asluubta & xuquuqda aadamaha

3 – Ilyaas Muuse Ducaale: Wasiirka Maaliyada, Lacagta, qorsheynta Warshadaha & dhaqaalaha

 4 – Maxamed Kaamil Cabdulqaadir: Wasiirka Gaashaandhiga

5 – Maxamed Cali Yuusuf: Wasiirka Arimaha dibada & xiriirka Caalamig aha.

6 – Xasan Dirir Hufane: Wasiirka Arimaha Gudaha

7 – Cali Yacquub Maxamed: Wasiirka Caafimaadka

 8 – Dr. Xasan Cali Cadaawe: Wasiirka waxbarashada Qaranka & tababarka Shaqooyinka

 9 – Dr. Nabil Axmed Maxamed: Wasiirka Tacliinta sare & cilmi barista

10 –Maxamed Axmed Cawaale: Wasiirka Beeraha, Kaluumaysiga, Xoolaha & khayraadka

 11 – Muuse Ibraahim Balala Wasiirka Gaadiidka & qalabka

12 – Xaamud Cabdi Suldaan: Wasiirka Awqaafka & arimaha Islaamka 

13 – Dr. Axmed Fu’aad Aaye: Wasiirka Tamarta, Biyaha & Khayraadka dabiiciga ah

14 –Cabdi Axmed Xuseen: Wasiirka dhaqanka, Isgaarstiinta & Poostada ahna Afhayeenka xukuumada

15 –Xasan Cali Bahdoon: Wasiirka shaqada & maamulka

16 – Muuse Axmed Xasan: Wasiirka Guriyeynta, Qorsheynta & deegaanka

17 – Xasan Barkhad Daa’uud: Wasiirka Haweenka, arimaha Qoyska & xiriirka Baarlamanka.

18 – Axmed Cali Silay: Wasiir dawladaha arimaha dibada & iskaashiga caalamiga ah

19 – Cali Siciid Camarah: Wasiiru dawladaha Dhaqaalaha & jaan goynta dhaqaalaha

20 – Cabdi Cilmi Ashkir: Wasiiru dawlaha Maaliyada, Dalxiiska, Xirfadaha shaqada gacanta

21 – Sahra Yuusuf Qayaad: Wasiiru dawladaha amuuraha dibada ee xafiiska Ra’isalwasaaraha ee midnimada Qaranka

 22 – Aamina Cabdi Aadan: Xoghayaha dawladaha amuuraha dibada ee wasiirka Guriyeynta, & qorsheynta deegaanka

2- Cilmi Jaamac Okiye: Wasiiru dawlaha Dhalinyarada & Ciyaaraha

Sidoo kale madaxweynaha Jibuuti wuxuu u magacaabay Cali Suleymaan Miyri: Hanti dhawrka

Fartuun Cali Axmed
SBC Jibuuti