Max’ed Axmed Caalin oo maanta saxaafada gobolka mudug ayaa waxa uu rajo xumo xoogan ka muujiyay sii deynta Muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Caalin ayaa sheegay in Muwaadinkaasi uu la shaqeynayay Wakaalad Wareed oo laga leeyahay dalka Jarmalka islamarkaana laga waday degmada Hobyo, lana geeyay degmada Camaara oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, isagoo ku tilmaamay deegaanada ay ka taliyaan Ximan iyo Xeeb goob bahalo galeen ah sida uu hadalka u dhigay.

Xiriiro aanu la sameynay Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa arintaasi iska fogeeyay warka kasoo yeeray madaxweeynaha maamul gobleedka galmudug aygoo sheegay in arintaasi ay u baahantahay baaritaan waxaa ayna intaasi kudareen in maamulkoodu dadaalo abnigaa sameeyo

Liibaan Qaran
SBC International Hargeysa