Wareegto Galinkii danbe ee Maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa lagu kala diray Golihii Wasiirada iyo Wasiiro Ku xigeenada Galmudug.
 
Wareegtada ayaa Waxa ay u qornayd Sidatan,
 
Ujeedo kala dirid Golaha Wasiirada iyo Wasiiro Ku xigeenada Galmudug
 
Markii uu Arkay habacsanaanta ku timid Hay’adaha Dawlada Galmudug Sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Hawlaha Bulshada IWM
 
Kadib markii uu Dhagaystay Aragtida qaybaha Bulshada Galmudug State ee ku Saabsan Wax qabadka Dawlada
 
Markii uu Arkay dastuurka Dawlada Gobaledka Galmudug qodobkiisa 49aad farqada 2aad oo ku saabsan Awooda Madaxweynaha Xil ka qaadis Golaha Wasiirada
 
Wuxuu Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26/6/11 Xilkii ka qaaday Dhamaan Golihiisa Wasiirada iyo Wasiiro Ku xigeenada Galmudug
 
Iyadoo uu Madaxweynuhu cadeeyay in uu Mudo kooban ku soo magacaabi doono Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub .
 
Wareegtadaan ayaa Waxay dhaqan galaysaa Markii uu Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Sixiixo.
 
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyayaasha Gobolada Mudug iyo Hobyo iimaan Xasan Jiiraw iyo Siciid Aadan Cade.
 
Dhan Walba hajirtee Xilka qaadista Masuuliyiintaan ka tirsan Dawlad Gobaledka Galmudug ayaa waxa ay imaanaysaa Xili Mudooyinkii ugu danbeysay habacsanaan laga dareemayay hanaan socodka Dawlada Galmudug.

Wareegtada

 
 
Libaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com