Madaxweynaha Dowlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo iminka dalka safar shaqo kaga maqan ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray dhamaan umada Soomaaliyeed, Qowmiyada Daarood, Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alaha naxariistii Jano hasiiyee Boqor C/laahi Boqor Muuse Boqor KINGKONG.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geerida Boqorku aheyd mid uu siweyn uga naxay, inkastoo loo wada socdo halka uu boqorku aaday, ayna ahaayeen nin ay siweyn u wada shaqeynayeen saaxiibo khaas ahna ay ahaayeen.

Waxa uu intaasi ku daray Madaxweynuhu in keliya aanu aheyd Boqorku Boqorka Beelaha daarood balse uu ahaa nin siyaasi ah oo dalka wax weyn u soo qabtay, kana qeyn ahaa xaaladihii siyaasadeed kuwoodii najaxay ee dalka horumarka u keenay.

Dhageyso Codka madaxweyne C/raxmaan Faroole. RIIX AMA DAAR

Sikastaba ha ahaatee waxa uu Madaxweynuhu ugu danbayn u jeediyay Tacsi dhamaan Umada Soomaaliyed isagoo boqorkuna u rajeeyay in Alle Janadii Firdowsa geeyo.

SBC INternational News DEsk