Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtooyin uumaanta ka soo saaray xafiiskiisa waxa isku bedel loogu sameeyay xubno ka mid ah wasiir ku xigeenada maamulka Puntland .

Xil isku bedelka waxaa lagu kala sameeyay wasaarada Hawenka Puntland iyo wasaarada Caafimaadka sida
Wasiirku xigeenkii wasaarada Haweenka Seynab Ugaas Yaasiin waxaa lagu bedelay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, halka wasiir ku xigeenadii wasaarada Caafimaadka loo wareejiyay wasiir ku xigeenkii Haweenka , sida uu xaqiijiyay Afhayeenka madaxtooyada Punland.

Dhinaca kale waxaa wareegtada madaxweynaha ka soo baxday lagu magacaabay Saciido Xuseen Cali oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista Hawada & Garoomadda, iyadoo horay u aheyd agaasimaha guud ee wasaarada Haweenka.

Isku shaandheyntani ma ahan tiiguud ee loogu talagalay golaha wasiirada sida uu SBC u xusay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in arintan ay ku timi danta guud ee ah in la dar dar geliyo habsami u socodka howlaha wasaaradaha.

SBC International Garoowe