Madaxweynaha DKMG oo Tacsi u Diray Ehelkii AHN C/laahi Yuusuf + DHAGEYSO

Balaaran oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelkii iyo Qarabaadii uu ka baxay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa waxaa uu uga tacsiyeey Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed waxaana uu sheegay in C/laahi Yuusuf oo ahaa nin taariikhda Soomaalida

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in looga Baahan yahay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay Cafiyaan Madaxweynahoodi Hore Bacdamaa uu Geeriyooday Waxaa uu sheegay in Qofka marka uu geeriyoodo ay Muhiim tahay in la iska Cafiyo.

Dhinaca Kale DKMG ee  Soomaaliya ayaa shaacisay in Dalka uu gali Doono 7 cisho oo ah Baroor diiq Qaran bacdamaa uu dhintay Siyaasi Magac weyn ku lahaa siyaasada Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumada Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada ay Calanka Hoos u dhigi Doonto mudo Isbuuc ah isagoo dhanka kale xusay in Marxuumka Meydkiisa la geyndoono Caasimada Dalka Ka dibna la qorsheyn doono Halka Ehelkiisa ay Damcaan in lagu Aaso.

DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA DKMG ENG YARIISOW

Geerida C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee DKMG ee Soomaaliya waxaa Tacsi kala duwan ka diray Dhamaan Qeybaha Kala duwan ee Sarakiisha DKMG ee Soomaaliya kuwaasi oo Ehelka Iyo Soomaaalida Guud ahaan uga tacsiyeey Geerida Naxdinta Leh ee ku timid.

SBC International Monitoring 

One Response to Madaxweynaha DKMG oo Tacsi u Diray Ehelkii AHN C/laahi Yuusuf + DHAGEYSO

  1. farxaan says:

    waa geri naxdin leh oo kutimid siyaasi caan ahinna illaahi wa in illaahi raajun waxaan udiryaa shacabka somaliyeed in cafiyaan madaxweynaha somalia waxaana fiicneed dalkiisa hooya in uu ku dhinta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII