Madaxweynaha DKMG ah oo Booqasho ku tagay Deegaanada Duleedka Muqdisho

Iyadoo M aalmo ka hor ciidamada DKMG ah iyo Amisom ay la wareegeen dhul balaaran oo duleedka Muqdisho ah hoostagana gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta aagaasi waxa booqasho ku tagay madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo weliba Wafdi uu horkacayo oo ay ka mid ahaayeen Qaarka tirsan Wasiirada Xukuumada iyo Ciidamada Saraakiisha Amisom.

Madaxweynaha DKMG ah ayaa maray deegaano badan oo dhaca Duleedka Muqdisho kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Deegaanada Ceelasha Bisha, Lafoole, iyo goobo kale oo ay ka midtahay Afgooye kuwaasi oo dhamaantood ahaa goobo ay ku sugnaanjireen ciidamada Xarakada Alshababa balse iminka ay kala wareegeen ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ah.

Madaxweyne Sh Shariif ayaa u hambalyeeyay ciidamada DKMG ah iyo Kuwa Amisom guulaha ay ka soo hoyeen dagaaladii ay la galeen xarakadii deegaanadaasi ku sugneyd ee Alshabaab, waxaanu ku sheegay talaabadaasi Mid Geesinimo leh.

Tan iyo markii lagu soo doortay wadanka dibadiisa Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sh Axmed waxay noqoneysaa markiisii ugu horeysay oo uu gaaro deegaanada uu maanta safarka ku maray.

 

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdusho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print