Max’ed Axmed Caalin, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta saxaafadda kula hadlayay degmada Hobyo ayaa waxa uu ka hadlay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo habeenimadii xalay ay ka fuliyeen Ciidamada Maraykanka tuulo 24-mitir u jirta Magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Caalin ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Maraykanka howlgalkii ay kusoo furteen labadaasi shaqaale ee u howlgalayay Hay’adda Miino baarista ee DDG uu ahaa mid qorsheysan, isagoo uga mahadceliyay dowladda Maraykanka gaar ahaan ciidamadii howlgalka fuliyay sidii ay ugu guulaysteen.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa muddo saacado ah u qabtay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee haysta Mark Scot oo u dhashay wadanka Maraykanka kaasi oo laga afduubtay Magaalada Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in hadalka kasoo yeeray Maamulka Galmudug hadii aysan dhag jalaq usiinin kooxahaasi aysan damaanad qaadi doonin waxa ku dhaca kooxahaasi.

Josica Bechanan iyo Poul hegan oo u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark ayaa xalay waxaa xoog ku furtay ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka socday dalka Maraykanka, waxaana taasi soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Maamulkaasi.

Liibaan C/laahi Faarax { Liibaan Qaran}
SBC International Hargeysa