Madaxwaynihii hore ee Iiran Axmed Najaad ayaa laga fogeeyay ka qayb galka doorashada cusub ee lagu wado in ay ka dhacdo dalka Iran.

Wakaalada wararka ee Tasniim ee Iiraan ayaa sheegtay in guddigada doorashada madaxwayne ee dalkaasi ay ogolaadeen aqbalida lix murashax o keliya , si ay uga qayb galaan dorashada soo socota.

Tartamayaashaa aya waxaa kala ah, madaxwaynaha xilku kasi dhamaanayo ee Hassan Rowhani, musharax Ibrahim iyo Mohammad Baqer Qalibaf, Isxaaq Jhankiri iyo Mostafa Hashemi Siinaa iyo Mustafa Mir Salim.

Wakalada ayaa intaasi ku dartay in madaxwaynihii hore ee Ahmed Najaad in gebiahaanba laga fogeeyay isa soo sharaxida tartankan doorashada.

Afhayeenka guddiga Abaas Ali ayaa sheegtay in ay la dhameystiray maanta hanaanka xaq u yeelashada ee musharaxiinta ah ee doorashada madaxweynaha.

Waxaa xasuus mudan in lagu wado in ay dhacdo dorashada madaxtinimada dalka Iran bisha May ama bisha shanaad ee inagu soo socota.