Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.C/samed Cali Shire oo ka qayb galay xaflad lagu Maamuusayay maalinta warbaahinta  Soomaaliyeed ayaa ka hadlaya xaaladaha colaadeed iyo  siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka soo cusboonaaday gobalda sool iyo cayn Kuwaasi oo la xiriiray dagaaldaii dhexmaray maamula Somaliland iyo dadwaynaha ku Dhaqan deegaanka Buuhoodle iyo rabshadihii  maanta ka dhacay magaalada Laasccaanood Ee xarunta Gobalkaasi Sool iyo maamulka cusub ee dhawaanta laga dhawaaqay Deegaanka Taleex kaasi oo lamagac baxay Khaatumo state of Somalia .

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mar uu  ka hadlayay arrimaha la xiriira weeraka Soomaaliland ee deegaanada sool iyo cayn ayuu sheegay inay camaaraynayaan Weerarkaasi Somaliland ee arxan darada ah  xusayna in deegaandadaasi ay qayb ka yihiin Puntland ayna diyaar u yihiin inay daafacaan.

Dhanka kale madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu ka hadlay maamulka cusub ee Khaatumo ee dhawaanta lagaga dhawaaqay magaalada Taaleex ee Gobalkaaasi Sool oo uu Sheegay in beelaha wada daga deegaankaasi aaysan u dhammayn shirkaasia ayna Afduubeen kooxo Isagoona sheegay in midnimda Puntland ay muqadistahay uuna la midyahay maamulka Khaatuma  ku wii lamagacbaxay raascasayr iyo galbeed Mudug.

Hadalka ka soo bxay madaxawayne ku xigeenka puntladn ayaa ku soo aadayo iyadoo Muddooyinki danbe ay saansaan colaadeed ka taagnayd qaybo kamid ah gobalda cayn iyo Sool ku waasi oo u dhaxeeya ciidamda maamulka Somaliland iyo dadwaynaha daga Deegaandaasi iyadoona Puntland ay u  horay u cambaaraysay maamulka soomaliland Tanina waxa ay qayb ka noqonaysaa dhaleecaymahasi iyadoona Puntland ay shaaca ka Qaaday in ay daafacayso shacabka Gobaladaasi .

Yusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe