Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo xubno ka tirsan Golaha wasirada Puntland ayaa maanta ku soo dhaweyay meel Garoowe u jirta 22 Km dhanka koonfureed wafdi ka socday DFKMG ah oo uu hogaaminayey  Raysal Wasare ku xigeenka DKMG ahan Wasirka Ganacsiga iyo warashadaha ee Somaliya C/wahaab Ugaas Xuseen iyo xubno kale oo ku jiraa Xukumada Dowlada Somaliya oo maanta ka soo kicitimay Magalada Muqdisho iyagoo socod dhulka ah ku soo maray Galkacayo ilaa ay ka imanayeen Garowe.

Wafdiga oo markii ay soo gareen Magaalada ayaa waxaa loo sii galbiyay Xarunta Aqalka Martida ee Puntland kuna yaal  Magaalada Garowe,

Inkastoo aysan warbaahinta Madaxa Banaan la hadlin ayaa hadana waxaa la sheegay in socdaalkoodu uu ku salaysan yahay Ka qayb galka xaflada Ansixinta Dastuurka Cusub ee Puntland ay yeelanayso sidii ay uga qayb gali lahayeen iyadoo ay horay u joogeen Sarakiil ka socotay Ha’yadaha Qaramada midoway iyo kuwa calamiga ah kuwas oo goob joogayaal ka ah Ansixinta Dastuurka Puntland oo ka kooban 141 iyo labo waraqood oo lifaaqa kaas oo lagu wado in maalinta bari ah ay ergada ka qayb galaysa ay ansixiyaan ama ay didaan.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe