Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah u furay Olalaha Talaalka Cafimaadka ee Caruurta ka yar 5 sano kuwaasi oo laga tallaalayo cudurada dilaaga ah  gaar ahaan Jadeecada, dabaysha, xiiqdheerta , kojisada, TP-da  iyo kuwa kale si looga hor tago.

Munsabad Balaaran oo lagu qabtay Xarunta wasarada Caafimaadka  ee Magaladaada Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax ka kala socday Golayaasha  Dowlada ururadda Bulshshada iyo Ha’yadaha qaramda Midoway u qaabilsan Caafimaadka iyo Caruurta WHO iyo Unicef  kuwaasi oo arrintyaanio si khaas ah u qusayso.

Inta badan masuuliyiinta ka hadashay Furitaankii Talaalka  oo u badnaa Dhakhaatiir  ayaa ku dheeraday Muhiimada Talaallka uu u leeyahay gaarahaan carruurta yaryar , Dr C/Naasir Cuuke waa sarkaal ka tirsan wasarada Cafimaadka ee dowlada Puntland  waxaana uu tilmamayaa caruurta Cudurada ka horgagooda laga talaalayo isagoonaxusay in la tallaali doono carruurta da’doodu ka yartahay shanta sano kuu waasi oo ay waxyeelaynkaraan  lixda cuduree dilaaga  ahi waana in sida aytahay looga faa’iidaystaa fursadaani qaaliga ah.

Inkastoo ay wali sididii looga bahnaa aan loo gaarsiin Talaalka Caruurta oo inta badan Cuduro sida jadeecadda iyo kuwa kale ay yihiin  kuwa soo noqnoqda, hadana wasaradu waxaa ay ka sheegatay guulo Talaalka wasiir Ku xigeenka wasarada Caafimaadka Puntland Dr. Maxamed xirsi Ducaale sida uu ka sheegay Xaflada Talaalka wasiirka ayaa xusay in wax badan ayka qabteen intii ay xilka hayeen dhanka caafimaadkaguudee deegaanda Puntland gaar ahaantllaalka oo uu sheegay inay  suurto galiyeen dhammaanba deegaanadapuntland laga wada hir galiyo si buu yiri wasiirku looga bad  baadiyo ubadkeena cuduradaaasi dilaaga ah ee wax u dhimi karahab Nololeedka carruurta.

Madaxa WHO ee Puntland Dr Shiikh Cali oo isna ka hadlay goobta xafladu kadhacaysay waxaa  uu ka waramayaa Xaqa ay carruurtu  ku leeyahay Walidka isagoona xusay  Sheekh Cali inay in mas’uuliyad wayni ka Saarantahay qofkasta oo waalid ah caafimaadka ilmihiisa loona baahanyahay inay  tallaashaan ubadkooda yar-yar si ay uga badbaadan cudurda dilaaga ah waxaana ku boorinayaawaalidiinta inay ka faa’iidaystaan Maalmaha tallaalka carruurta .

Gabagabadii xafladaasi waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka dowlada  Puntland Gen. C/samad Cali shire oo ilmihii ugu horeeyay siiyay Dhibcaha Talaalka ee Carruuta ka yar 5 sano ayaa  ku dheraaday ka hadlida  Dacaayadaha laga fidiyo talaalka oo u been abuur ku tilmamay madaxwayne ku xigeenku isagoona xusay in arrintaani ay soo socotay muddo ayna tahay dacaayad ayfidiyeen  dad aan  wax  waynkala socn Caafimaadka waana mid lasoo baaray ,wuxuuna soo maray shaybaar caalami ah .

C/samad Cali Shire waxaa sidoo kale uu kula dardaarmay Hawladeenada iyo Walidiinta Dhalay Caruurta in ay uga fa’iideeyaan oo Talaalka si ay caruurtoodu uga badbaadaan cuduradaasi dilaaga ah isagoona ku booriyay Dhammaan waalidiinta  inay kudadaalaan sidii ay u  tallaali lahaayeen ubadkooda waana muhiim in latallaalaa carruurta yar-yarayuu yiri madaxwayne ku xigeenka puntland.

Maahan markii ugu horraysay ee tallaal noocaani  oo kale ah laga furo deegaanda puntland Waxaana dhamaan Puntland oo idil laga Talalaali doonaa Caruur tiradoodu garayso 170.937 halka haweenku yihiin 213, 671waxaana fulinaysa wasaarada caafimaadka puntland oo gacan kahelaysa hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka iyo carruurta.

 DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Maxamud (Yuusuf yare)
SBC International Garoowe