Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay xarun Lagu dawaynayo Dadka Dhimirka isla goobta  dadka dhimirka la’ lagu hayo.

Munasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta La dhagax dhigayey oo ay ka soo qayb galeen Masuliyiin ka socday Wasarada Caafimaadka Dhakhatir ayaa dhamaan waxaa ay mujiyeen sida loogu bahnaa xarun caafimaad oo dadka maankoodu uu cadiga ahayn lagu dawayeeyo isla markaasna aysan horay u jirin.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire oo hadal ka jeediyay dhagax dhigan  xaruntaan ayaa sheegay in ay aad ugu bahan yihin dadka dhimirka caafimaad ugana mahad celiyay cidii ganacan ka geysatay .

Xaawo qaylo wayne waxaa ay tahay Madaxa Ururka Nasrulah ee gacanta  ku haya Dadka dhimirka la’ waxaana y ka sheekaynaysaa faa’idada  ay ka heleen dadkii ku xaraysaa iyo eheladoodii.

Dadka dhimirka la’ ee hada ku jira xarunta Nasrulah waxaa ay ka kala yimadeen qaybtood gobolada konfureed halka kuwa kalena laga kala keenay Qaybo ka mida Gobolada Puntland , waxaana inta badan xanuunkaani haya la shegay in uu ka dhasheen  Mandooriyaal ay isticmale iyo kuwa sidooda u waashay balse marka danbe caafimaday waxaana ku jira dad da’doodu ay ka yartahay labatan jir.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC INtenational Garoowe.