Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire ayaa manta ka  qayb galay Xuska maalinta loo boror  diiqayo dadka la nool  xanuunka  AIDSka  taas oo lagu qabtay Xarunta bisha Cas inkastoo socod dheer lagu soo maray wadooyinka waawayn ayna ka qayb qadanayeen dadka la nool Xanuunka Cudurka ardayda Caafimaadka iyo Gaadiidka dadwaynaha oo lagu soo xiray hal ku dhigyo lagu yaraynayo AIDKS

Wasir ku xigeenka Caafimaadka Maxamed Xirsi Ducaale  oo ka hadlay munasabada ayaa sheegay in sanadkaan aad uu hoos ugu dhacay cudurku loona bahan yahay sii wadida wacyi galinta Xanuunka  iyo in aan la takoorin dadka cudurka haleelay ee ku nool deeganada punland

Agaasimaha Ha’yadda u qabilsan wacyi galinta Aidka ee PAC Puntland AIDS Commination oo isna  hadlay ayaa sheegay in ay sii wadayaan wacyigalinta Xanuunka dadkana ugu baqay in ay is baraan ayna soo dhaweeyaan dadka cudurku haleelay oo aysan faquuqin si aysan niyad jab ula kulmin

Madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad Cali shire oo isna ka hadlay munasabada ayaa ku dheeraday in la muujiyo taxadar iyo feejignaan dheerada kuna dhawaaqay Hal ku dhiga Sanadka aha yaraynta cudurka inta laga gaarayo  dhamaystiro oo uu cuurku suuro

dhanka kalena madaxwaynuhu waxaa uu dhalinyarada reer punland uga digay in ay iska ilaaliyaan cudurka isla markaana ay is baaran maadama ay yihiin kuwo u nugul qaadista cudurka

inta ay socotay munasabadu waxaa lagu soo bandhigay Filimka turjumayay Xakamaynta iyo wacyi galinta Cudurka AIDKSa iyo riwayadka turjumaysay in aan la takoorin.

SAWIRO


 

 

 

 




C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe