Magaalada Garowe  ee dowlada puntland   ayaa maanta si wayn looga ciiday kadib 29 cisho oo dadku ay soo somanayeen, salaadii ciida oo dadka badankiisa ay ku  tukadeeb Garoonka ku bada Cagta ee Mire Aware oo uu kala qayb galay saladada Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Golayasha Dowlada kumanaan dad ah ayaana manta ka soo qayb galay Sladaada Ciida tukashadaeeda iyadoo dadka qaarkii ay Soman yihin gaar aha Qadariyadu

Shiikh C/qaadir Nuur Farax oo ka Mid ahaa Culumowdiinkii ka hadlay salada ka hor oo qudbadaha la hormariyay ayaa ku dheraday Dadka Micna darada lagu dilo gaal iyo muslim iyo sidoo kale kala Soomida iyo afuridaba diintu waxaa ay ka qabto waxaana uu sheegay in ay maanta maalin ciida ayna xaaraantahay in la soomo shiikh waxaa kale uu sheegay mar hadii madaxwayhana dalku ku dhawaaqo ay iidtahay waa in la afuro sidookale waxaa uu ka degay in khilaafka laga dheeraado si aan umada soomaliyeed ee 29maalmood soo somay aan la jaah wareerin.

Garad Abshir Salax oo ka mida Saladinta Puntland dadkana ugu hanbalyeyay Dadka Cidul Fidriga sanadkaan sanakiisa in ay ku ciidan Nabad iyo barqaaqo waxaan uu diirada ku saaray khudbadiisa in nada la adkeeyo isagoo sheegay in ay waajibtahay ka shaqaynta nabad galyada puntland

Wasirka Cadallada Diinta iyo awqaafta Puntland C/khalif Xaaji Xasan Ajayo oo ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha ayaa ku dheerada in uusan wanagsanayn khilaafku loona bahan yahay in la noqdo Mid qura si qilaafka ku soo  dhex noqnoqda Culumada oo dhanka Ciidaha oo kale meesha uu ka baxo

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ugu horayn umada Soomaaliyeed ugu Hanbaleyey maalinta ciidulfiriga ayaa dhinacyo badan ka hadlay

Dhanka amaanka mar uu ka hadlayey waxaa uu umada puntland uga digay in ay ka hortagaan dadka amnigooda doonaya in wiiqaan waxaana  uu aad ugu amaanay ciidamada amaanka ee puntland  sida ay markasta ugu heelanyihiin in  sugaan nabada guud ahaanba puntland madaxwayne faroole mar uu ka hadlayey dhanka soomaaliya waxaa uu aad ugu dheeraaday  muhiimada ay leeyihiin booqashooyinkii ay dowlada kmg ah soomaliya ay ku yimaadeen puntland gaar ahaana puntland waxaana  usheegay in ay tahay talaabo horay looqaaday oo muhiimad wayn uleh  dhamaaba umada soomaliyeed

Dhankale madax waynuhu waxaa uu ku amaanay dadka reer puntland sida ay diyaarka ugu yihiin midnimada iyo in lahelo qaran soomaliyeed

Guud ahaanaba marka la eego magaalada garawe ayaa manta siwayn looga iiday iyada oo dhankale ay jiraan dad aan badnayn oo manta sooman oo ay rabadaan utahay oo iyagu aaminsan in ay manta tahay maalin rabadaan bishuna ay ku dhamaato 30maalmood

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Siciid  Yuusuf
SBC International Garoowe