Madaxwayne Faroole oo kulan la qaatay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Britain

Madaxwayanah dawlada puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta xarunta madaxtooyada Garoowe kullan kulaqatay wafti uu hogaaminayay Safiirka Somalia u qaabilsan Ambassador Matt Baugh.

Kullankaan uu madaxwayne ”Faroole” uu xarunta madaxtooyada garoowe kulaqaatay waftigaan soo gaaray deeganada Puntland ayaa waxa madaxwaynaha iyana dhankooda kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Wasiirka Amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan ,Wasiirka Waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Juxa ,Wasiirka Qorshaynta Dr.Daa’ud Maxamed Cumar iyo Saraakil iyana katirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha puntland Drcabdiraxman maxamed farole ayaa isagu ka warabixiyey kulanka uu qaatay wafdiga  ka yimid dalka biritain waxan uu shegay faroole inay wafdiga ay isugu jiran qaybaha deqaha bixiya, horumarinta iyo kuwa puntland ka gacan siin doona horumarinta Nidaamka axsaabta badan .

Ambassador Matt Baugh ayaa isna dhankiisa carabaabay in dawlada Britain ay puntland kalashaqaynayso horumarinta adeega bulshada iyo waliba sugida dhanka amaanka oo ay talooyin ku aadan dhanka amaanka ay siinayaan .

Sidookale kullan ayaa waxa uu safiirku laqaatey Saraakiisha Amaanka Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan iyadoona ay fadhiyeen qaar ka mida Taliyaasha Sirdoonka iyo Nabadsugida,waxana ay kawada hadleen halka ay marinayaan sugida dhanka amaanka ee guud ahaan deeganada Puntland.

Samiiro Cabdiraxmaan Cabdule

SBC International-Garoowe

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print