Wakiilka gaarka ah ee Xog hayaha Guud ee Qaramda Midoway ambassador-mahiga oo oo maanta  soo gaaray Magaalada Garowe ayaa kulamo albabadu u xirnayeen la qaatay Madaxda maamulka oo uu ka mid ahaa Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Ku xigeenkisa, C/samad Cali shire

Lama sheegin waxyabaha ay ka wada hadleen labada dhinac oo kulankoodu ahaa mid sacaado qaatay, balse wararka qar ayaa sheegaya ilo ku dhowaa kulanka in  laysla soo qaaday Shirkii dib u heshisinta oo dhawaan la qaban doono goobta lagu qabanayo oo aan wali la shacin, iyo sidoo kale xaladaha Bili adanimo ee ka jira Somaliya

Socdalkaan maanta uu ku yimid ergaygaani ayan ahayd mid sidii Hore oo kale ahaa marka laga eego soo dhawaynta wafdiga uu hogaaminayey ambassador-mahiga lama Cadayn sababaha dhabta ah inkastoo ay jiraan qaban qaabo ka socota Puntland iyo Muqdisho oo lagu doonayo in dhnac walba ay qabato shirkaasi oo ay Garwadeena ka tahay  Xafiiska siyasada ee qaramad amidoway

Warar hoose oo aanu helayno ayaa waxaa ay Sheegayaan is mari waa kadib  Dheer oo mudo qaatay ayuu Mahiga  Cadeyay in go’aanka qaramada midoway uu u badan yahay in shirka lagu qabto Magalada Muqdisho, halka Madaxda maamulka puntland ay arrinkaasika biyo Diideen isla markasna ay ku adkaysanayaan in shirka lagu qabto Garowe

waxaana wafdigii u hogaaminayey wakilka gaarka ah ee qaramda Midooway ay dib ugu noqdeen Magalada Nairobi oo markii hore ay ka soo kicitimeen

Daawo Sawirada


Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne kuxigeenka Puntland , Ambasdor Mahiga iyo Wafuud kale

 C/Naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe