Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxmaed Maxamuud Faroole ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa  waxaa uu ka noqosho ku sameeyay  lamaha maxkamada danbiyada Culus ee puntland oo muda hada shaqaynaysay, waxaana ay arrintaani timid ka dib markii Golaha wakilaada Puntland Go’aan ay ka qateen dhismaha Maxkamada danbiyada culus oo muddo ay goluhu ka doodayeen,

Waxaana sidoo kale wareegtada madaxwaynaha Puntland uu ku magacabay Wareegtadaani Garsoorayaasha Lamaha Maxkamada Danbiyada culus si dib loogu meeleeyo Garsoorayaasha maxmadadaha Darajadada kowaad oo uu maanta u magacabay 6 garsoore oo ka hawlgalay Magaalooyinbka Bosaso Galkacayo iyo Garowe uuna ku jiray Gudoomiyihii maxkamada Danbiyada Culus oo manta Madaxwaynuhuu wareegtda uu soo saray kaga noqday maxamed Xareed Farax hadana laga dhigay garsoore Maxkamada Darjada kowaad .

Digreetada madaxwaynaha ayaa waxa ay u qornayd sidaan:

Xeer madaxwayne Lr.47 ee 24 july,2011 kuna saabsan ka noqoshada laamaha maxkamada danbiyada culus .

Madaxwaynaha dowlada puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dowlada puntland Qodobka 102aad.

Markuu arkay: Qodobka 21aad ee xeerka nidaamka Garsoodka puntland .

Markuu tixgaliyay: Go’aanka golaha wakiilada puntland eek u saabsanaa dhismaha iyo

Awoodaha maxkamadaha danbiyada culus oo si ku meel gaar ah ku Shaqaynaysay.

Wuxuu xeeriyay :

Waxaa garsoorayaashii maxkamada danbiyada culus dib loogu meeleeyay maxkamadaha caadiga ah ee gobalada iyo dagmooyinka waxaana look ala magacabay sidaan soosocota:

1-Cabdirisaaq  Maxamuud Cali Yuusuf waxaa loo magacabay garsoore maxkamada racfaanka Gobalka bari .
2-Cabdi Naasir Xaaji Aadan Axmed waxaa loo magacabay garsoore maxkamada racfaanka Gobalka bari .
3-Cabdi Wali Axmed Aadan waxaa loo magcaabay garsoore maxkamada racfaanka Gobalka mudug .
4-Maxamed xareer aaraxa waxaa loo magcaabay Garsoore maxkamda D.1aad ee ee Boosaaso.
5-Maxamed Siciid Nuur waxaa  loo magcaabay Garsoore maxkamda D.1aad ee ee kaalkacyo.
6-Maxamed Cabdisalaan  macalin Axmed waxaa loo magcaabay garsoore maxkamada D.1aad ee Gaalkacyo.

Waxaana uu madaxwaynuhu ku saleeyay Magacaabida iyo Kana noqoshada maxkamadani Dastuurka Puntland qodobkiisa 102 Qodobka 21 xeerka nidaamka Garsoorka Puntland iyo Talo soo jedinta Gudiga sare ee garsoorka .