Madaxweynaha maamulka Khaatumo State ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Taleex Maxamed Yuusuf Jaamac (indhasheel) ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan  Maxamed Faroole kaasi oo uu ku sheegay in Puntland la’aanteed aanay jiri doonin wax wadahadal ah oo dawlada KMG Soomaaliya la galayso Somaliland.

Indhasheel wuxuu muujiyey in maamulkiisu uu ka madaxbanaan yahay Puntland, isla markaana arimaha maamulka uu madaxda ka yahay aanay waxba ka galin Puntland.

“Way jirtaa mar ay u ekeyd in ciidamada uu sheegayo (Faroole) inay  joogaan Kalshaale ay difaacayaan, way jirtaa mar u ekeyd maanta ma joogaan deegaankan kamana taliyo isagu, deegaankan waa deegaan Khaatumo ciidamada jooga ee ka hawlgala waa ciidamo Khaatumo, hadalkiisu wuxuu ahaa mid qosol ah, waxay aheyd in uu ka hadlo wax badna oo kale madaxweynuhu hadii dan ka hadlayo, hadii leeyahay Somaliland anaa heshiiska kala hadlaya waxay aheyd wax kale oo dan ugu jirto in uu waqtiga ku dhimiyo oo uu ka hadlo madaxweynuhu” ayuu yiri Madaxweyne Indhasheel oo intaasi ku darey in Puntland hadii ay difaacayso deegaanadaasi aan la soo galin oo la qabsadeen.

Dhinaca kale wuxuu Indhasheel ka hadley aqoonsigii dhawaan uu maamulkiisa siiyey Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya isagoo arintaasi ku amaanay Sheekh Shariif, isagoo sheegay in dawlada KMG Soomaaliya aragtey baahida iyo sida ay u tahay lagama maarmaan inaan Soomaali kala go’in iyo doorka ay Khaatumo ka qaadan karto inaan Soomaali kala go’in, arkey xaqdadarad mudadaasi dheer lagu hayey, arkay duulaanka gardarada ah ee lagu soo qaaday deegaankooda iyo sheegashada hareeraha ka jirta ee xaqdadarada ku saleysan waa sida hadalka uu u yire Maxamed Indhasheel’e.

Sidoo kale wuxuu ka hadley Indasheel waraaq uu isagu ku tilmaamay mid been abuur ah oo aheyd tii lagu sheegay in dawlada KMG Soomaaliya ay kala laabatey aqoonsigii maamulka Khaatumo State, wuxuu sheegay in wasiirka beeraha ee waraaqdaasi la sheegay in uu qoray uu qoraal kale soo saaray afkiisana ka hadley isagoo beeniyey in aanay jirin waraaqdaasi, Ra’isalwasaarihiina yimid oo uu sheegan in arintaasi aanu wax lug ah ku laheyn, madaxweynuhuna uu saxiixay oo ay tahay mid sharci ah, marka wax macno ah oo ay sameynayo ma jirto waraaq wiil uu inta qol ku qoray uu iyadoo been abuur ah soo saaray ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Wareysiga lala yeeshay madaxweynaha Khaatumo si aad u dhageyso riix link-ga hoose.

HALKAN RIIX