Kalfadhiga 29aad ee golaha wakiilaada Puntland oo maanta ay soo xadireen 45mudane oo shir gudominayay gudoomiyaha barlamaanka Puntland waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Puntland C.raxmaan sh, Maxamed ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire iyo xubno ka mid ah galaha wasiirada.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C.rashiid Maxamed Xirsi oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada ayaa ka wamay ajandayasha horyaala golaha ee ay ka doodi doonaan kal fadhigabn 29naad.

Madaxwaynaha Puntland C.rixmaan Maxamed Maxamud faroole ayaa kalfadhiga golaha wakiilada u jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga homarka iyo xiliga jiritaanka xukumadiisa oo mudooyinkii dambe ay dood wayni ka taagnayd waxaana uu ugu horayn ka hadlay arimaha amniga Puntland oo uu sheegay in waxbadan laga qabatay

Sidoo kale madaxwaynahu waxaa uu ka hadlay dhanka hormarka oo ay kamid yihiin shidaalka Puntland laga qodoyo iyo kaabayaasha dhaqaalaha

Ugu dambayn madaxwayne faroole waxaa uu ka hadlay arinta baryahan hadal haynta wayn dhalisay oo ah xiliga jirtaanka xukumadiisa, isagoona sheegay in aanay aheyn wax muran geli kara maadama ay ansixiyeen gole yaasha xukuumada.

Mudada uu socdo kalfadhiga 29aad ee barlamaanka Puntland oo 45cisho waxaa goluhu ka doodi doonaan ansixinta misaaniyada sanadka 20013 iyo ansixinta xubnaha cusub golaha wasiirada dhawaan ku soo biray iyo qorshayaal kale.

Sawiro




Daawo

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe