Madaxwaynaha Puntland  ayaa maanta ku dhawaaqay joojinta gudiinka fircooniga ah, kadib kulan hal maalin qaatay oo ay ka soo qayb galeen ku dhawaaday 60 Culumowdiin oo ka kala yimid dhamaan  Puntland iyo Dalka dibadiisa kuwaas oo ka doodayey joojinta Gudinka Fircooniga iyo diintu waxaa ay ka qaybto.

Waxaana kulankaani soo qaban qaabisay  Wasaradaha Caddalada oo gacan ka helayay ha’yada Unicef,  Barnaamijkan ka dhanka ah gudiinka fircoonigu waxaa mudooyinka ka socday deeganada Punaland kaasi oo dadka laga wacyi galinayey dhibaatoyinka caafimaad ee uu gaysto hablaha loo gudo fircooniga oo ah caado dhaqameed ay inta badan gabadhaha ugutaan qosaska soomaliyeed.

kulanka maanta waxaa khubado kala duwan ka jeediyey masuuliyiin wasaaradaha cadaalada iyo Haweenka iyo culuma awdiinka waxa dhamaan diirada lagu saaray dhibaatoyinka uu gaysto gudniinka fircooniga ah.

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye oo wasaaradeeda lagu qabtay kulanka  maanta ayaa sheegtay in ay mudo olole balaaran ugu jireen soo afjarida caadada gudninka fircooniga ah oo waxaana ay intaas ku dartay in wasaaradeedu wado olole kale oo mudo socon doona loogana hortagayo shaqaaqoyinka dumarka lagula kaco oo inta badan dumarka dhibaato loogu gaysto.

Madaxwaynaha Punland C/rixmaan Shiikh Maxamed Faroole oo khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in Puntland laga joojiyey gudniinka fircooniga isla markaana ay horay ujoojiyeen golaha xukuumada iyo golaha barlamaanka Puntland,

Madaxawaynuhu waxaa uu sheegay in mudo badan uu soo jiray caadada fircooniga oo dhibaato badan gaarsiyey hablo aad u fara badan caalamkuna uu mar hore ka guuray walina uu ku harsanyahay Africa waliba soomaliya Puntland ay horseed u tahay in Soomaaliya laga joojiyo.

Khudbada madaxwaynaha oo dheerayd waxay taabaynaysay dhinacyo badan waxaana uu kaga hadlay dhanka guurka oo uu dhibaato ku tilmaamay in aan la guursan dadka qaarkiis isla markaana ay la kulmaan quursi iyaga oo aan la guursan waxaana uu sheegay in taasi ay tahay caado xun oo aan waxba ka jirin dadka soomalida ahna ay isku nasab yihiin  ugu dambayntii madaxwaynuhu waxaa uu kula dardaarmay culumada diintu in ay wacyigalin ka sameeyaan quursiga nasabka ku salaysan.

Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu balaarnaa oo culuma awdiinka Puntland ka yeeshaan caadada gudninka fircooniga ah oo mudo badan ay istimaalayeen dadka Soomaliyeed iyadoona mudooyinkii ugu dambeeyey ay deeganada Puntland ay ka socdeen wacyigalino la xiriira joojinta gudninka fircooniga ah .

DAAWO SAWIRADA









Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe