Magaalada Garoowe Caasimada Puntland siiba Madaxtooyada Magaaladaas ee Dowlada Puntland waxaa ka dhacay habeen nimadii xalay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay sanadguurada 53aad ee midnimadii Soomaaliweyn.

Madaxda Dowalda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, Xubnaha labada golse ee dowlada iyo weliba Marti sharaf kale oo aad u tiro badan islamarkaana leh, Waxgarad, Aqoonyahano, Abwaaniin iyo weliba culimo ayaa goobta ku sugnaa.

Waxaa Xusid mudan oo iyana goobta ku soo bandhigay Suugaan Aad u xiiso leh oo nooc walba leh dadkii halkaasi ku sugnaana aad ay uga heleen fanaaniinta hobolada Waaberi Puntland .

Abwaano uu ka mid yahay Abwaan Jaamac Kadiye iyo Maamo Xaliimo Puntland ayaa iyana goobta ku soo bandhigay Gabayo iyo Buraanburo taabanaya xornimada waxa ay tahay iyo gumeysiga dhibaatada xooga leh ee uu laayahay, waxaana dhinaca kale uu abaarayay suugaantooda munaasabadan qiimaha badan ee ay u leedahay umada Soomaaliyeed.

Madaxda goobta ku sugnayd oo ay ka mid ahaayeen wasiirada xukuumada ayaa iyana goobta ka jeediyay Qudbado aad u muhiimsan islamarkaana ku aadan xafladan qiimaha badan ee 1da Luulyo.

Ugu dambeyntii waxa musanaasabadaasi Soo gunaanuday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire isagoo qudbadiisa halkaas uu ka jeediyay ku taa taabtay dhinacyo badan oo siyaasada Iminka ee Soomaaliya ay ku jirto ay ka mid aheyd.

Waxa uu ugu horeyn ka sheekeeyay xornimadii dalka waxii ka dambeeyay ee ay soomaaliya Soo martay, sidii ay ugu hanweyneyd Soomaalida uguna daneyn jirtay taariikhda maanta oo kale iyo weliba dhacdooyinkii darnaa ee ka dambeeyay.

Dhamaadkiina xaflada waxaa la saaray calanka iyadoo halkaasi ay ku soo bandhigeen gaada ka ciyaar ciidamada Xooga Puntland iyo kuwa baanbeyda qaraaca.

Daawo Sawiro.
IMG_1947 IMG_1948 IMG_1952 IMG_1962 IMG_1963 IMG_1972 IMG_1989 IMG_2028 IMG_2039 IMG_2050 IMG_2051 IMG_2088 IMG_2112 IMG_2151 IMG_2174 IMG_2175 IMG_2180 IMG_2188 IMG_2201 IMG_2202 IMG_2234 IMG_2235 IMG_2237 IMG_2258 IMG_2265 IMG_2277 IMG_2282 IMG_2283 IMG_2310 IMG_2311 IMG_2314 IMG_2318 IMG_2322 IMG_2324 IMG_2341 IMG_2343

SBC International Garoowe