Badmaaxiin u dhashay wadamada Turkeyiyo Georgiaayaa siweyn waxaa u  soo dhaweeyay Madaxda Dalalkooda ka dib markii ay ka baxeen gacanta Burcad badeed Soomaali ah oo haystay in kabada 500 oo maalmood.

Madaxweynaha Wadanka Georgia Mikheil Saakashvili iyo raiisul wasaaraha Turkey-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa siweyn u soo dhaweeyay uguna farxay ka dib markii badmaaxiin dalalkoda u dhashay ay si nabad qab ah uga soo baxeen gacanta Burcad Badeeda Soomalida

Badmaaxiinta reer Georgia oo markii hore laga soo dejiyay Wadanka turkeyga ayaa waxaa wadankooda u soo galbiyay Madaxweynahooda iyo qaar ka mid ah golaha Xukumada ee Dalkaasi.

Kooxdan ay siidaayeen Burcada ee dalalkooda garay ayaa waxaa lagu qafaashay Markab ku gooshayay Calanka Jasiirada Malta Bishii September ee sannadkii 2010.

Kooxda ay u qafalnaayeen ee Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa dalbaday lacag ku dhow 9 Million oo dollar si ay xoriyadooda u siiyaan Badmaaxiintaan.

Ma jirto dowlad si rasmi ah u shaacisay lacagta Madaxfurashada ah ee lagu siidayay badmaaxiintan Ku laabtay wadankooda iyadoo burcadana ay dalbadeen Lacag madaxfrusho oo aad u farabadan.

Dowladaha Caalamka qaarkood ayaa walaac ka qaba lacagaha faraha badan ee Kooxaha Burcad badeeda soomalida ay ka qaataan dadka shirkadaha iskaleh gadiid badeedka ay qafashaan.

Khaalid Maxamuud C/raxmaan 
SBC International Monitoring