xafla1
Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa habeen kii xalay ahaa hambalyo mideysan ugu jeediyay xaflad ku aadaneyd 26ka june dhamaan umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin .

xafla4
Madaxweynaha Dowalda Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud, Raiisul wasaaraha Xukuumada Cabdi faarax Shirdoon Saacid iyo weliba Gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka qeyb galay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu xusayay 53sano guuradii ka soo wareegatay xiligii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka.

Waxay halkaasi ka soo kala jeediyeen Madaxda Qudbado waaweyn oo aad u muhiimsanaa islamarkaana xaflada iyo muhiimada ay uleedahay shicbiga soomaaliyeed ku soo hadal qaaday.

Wxa uu Sheegay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya in Soomaaliya ay iminka leedahay dowlad loona baahanyahay in la sii amba qaado ka mira dhalinta xornimadii la helay 53sano ka hor uuna soomaalida meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayo.

xafla3
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isna ka sheegay xaflada mar uu qudbeynayay in muwadinkasta oo soomaaliyeed caawa oo kale looga baahanyahay in uu qaato daqiiqado gaaban oo uu ku xusuusto farxadii iyo helowgii la isu qabay 26kii june sanadkii 1960kii

Aniga iyo xildhibaanada ila da’da ah iyo kuwa usoo goobjoogay waagaas xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii kulul uu ina hayo, dhammaan xildhibaanadasiday u dhan yihiin, waxay ku mideysan yihiin in idnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon” Sidaasi Waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Mr Jawaari.

Waxa uu Jawaari sidoo kale Soo hadal qaaday wada hadalada dhexmaraya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland isagoo sheegay in baarlamanka Soomaaliya uu taageero xoogan u muujinayo wadahadaladaas kuna raja weyn yihiin in ay ka soo baxayan guul wax ku ool ah iyo isku tanaasul dib u mideeya Soomaalida kala fogaatay,

xafla2
Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa isagana ka hadlay Xaflada soona jeediyay Qudbad cajiib aheyd oo ay la wada dheceen martisharaftii iyo masuuliyiintii halkaais ku sugnayd.

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waa maalin qiimo weyn ku leh qaranimada Soomaaliya, waana malintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed xoriyad ku babado” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu

Waxaa farxad inoo ah inaan markale xusno maalintaan taariikhiga ah anagoo ah dawlad iyo ummad caalamka laga aqoonsan yahay, aana ka gudubnay dagaaladii sokeeye iyo dawladdihii ku-meel-gaarka ahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo tilmaamay inuu si buuxda ula qeybsanayo farxada dabaal-daga maalintaan taariikhiga ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

Xaflado kale oo lagu xusayo maalintan maanta ah ayaa waxaa kale oo ay ka kala dheceen deegaanada waaweyn ee dalka iyo wadamo badan oo ka mid ah caalamka islamarkaana ay Soomaalidu si weyn isugu soo bexeen.

SBC International News DEsk.