Magaalada Garoowe xarunta Puntland maanta waxaa ka dhacay xus aad u balaaran oo lagu xusayay maalinta aas aaska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 52sano ka dib maanta oo ay taariikhdu tahay 12 April taas oo sanad walba la xuso.

Madaxda ugu sareeysa maamulka Puntland oo uu horkacayo madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galay xuska maanta waxaana Ciidamada madaxda hortooda ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar aad u qurx badan iyagoona salaan ka qaatay.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay xerada konton iyo afraad ee magaalada Garoowe waxaana hadalo ka kala jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay, waxaana ugu horeyn halkaasi hadal ka jeediyay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Puntland Siciid Maxamed Xirsi ayaa halkaasi ka hadlay isagoona xusay taariikhda maalintan, isagoo sheegay in ay tahay maalintan mid maamuus mudan .

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u jeediyay dhamaan ciidamada qalabka sida isagoona sheegay in qoomiyad kasta ay leedahay taariikh iyo bartilmaameedyo ay maamuusto ayna tahay in siweyn loo xuso maalintan oo kale.

Sikastaba ha ahaatee madaxweynaha ayaa amaanay ciidanka Puntland sida quruxda badan ee ay u soo bandhigeen Gaado kaciyaarka islamarkaana uu ku maqsuuday sida uu hadalka u dhigaye.

C/naasir Yaasiin salad
SBC International Garoowe