Madaxweynayaasha  Dowladaha Sudan iyo  Koonfurta Sudan,Cumar Xasan Al bashiir iyo Salvakiir ayaa kadib madaxbanaanida ay Koonfurta Sudan ku dhawaaqday waxaa ay dhankoodana ku dhawaaqeen Nabada guud ahaan ka dhalata Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al bashiir oo soo dhoweeyay Dalka cusub ee ay dariska Yihiin Koonfurta Sudan ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono hagaajinta xiriirika labada Dal iyo sidoo kale sidii ay labada dhinaca Nabadgelyo iyo walaaltinimo ay ugu wada noolaan lahaayeen.

Al bashiir waxaa uu ku celceliyay Aqoonsiga Koonfurta Sudan,iyadoona sidoo kale uu ka codasady Dowladaha reer galbeedka ee uu Maraykanku hor kacayo in ay fuliyaan balan qaadkoodkii kahor inta aan aftida loo qaadin Koonfurta Sudan.

Dhanka kale General Salvakiir Midrayt oo ah Madaxweynaha Dowlada Koonfurta Sudan ayaa sheegay in uu la qaadatay Madaxweynaha Sudan Nabada uu ku baaqay,isagoona sheegay in ay kula noolaan doonaan walaalahooda Sudan Nabad iyo Horumar.

Salvakiir waxaa uu sheegay in cafis ay u fidiyeen Dhamaan cid kasta oo hub u qaadatay in ay Lid ku noqdaan Koonfurta Sudan,haatana aanay jirin wax loo haysto.

Dowlada 193 ee kusoo korortay Dalalka caalamka Koonfurta Sudan waxaa ay u baahan tahay mudo ay kaga soo kabato burburkii kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay dalkaasi,iyadoona shacabka dalkaasi ay u baaha yihiin aqoon badan oo ay ku awoodaan dib u dhiska dalkoda.

SBC International Monitoring