Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn kulul ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay Ex Fiyoora ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku geeriyoodeen dad u badan dadweyne aan waxba galabsan.

Warsaxaafadeedyo ka soo kala baxay Xafiisyada Raiisul wasaaraha< Madaxweynaha iyo gudoonka Baarlamanka ayaa si isku mid ah loogu cambaareeyay qaraxaasi loogana tacsiyeeyay ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaas.

 “Waxaan tacsi u dirayaa  dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay” waxaa sidaasi lagu yiri war murtiyeedka ka soo baxay Xafiisak Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sikastaba ha ahaate ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay qaraxa maanta dhacay waxaana dhaawac ahaan loo gaarsiiyay goobaha cafimaad ee waaweyn dad kor u dhaafaya 20 qof .