Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Qatar ayaa maanta Gaaray Magaaladda Muqdisho Ee Caasimadda Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamed oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada ( Villa Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar H.E. Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho .

Kulankaasi oo albaabada u xirnaa , waxaa xigay kulan ballaaran oo Wafdiga Dowladda Qatar iyo Xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha ay yeesheen , waxaana ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Maaliyadda H.E. Mohamed Aden Ibrahim , Waxbarashada iyo Tacliinta sare H.E. Dr. Khadar Bashir Ali , Amniga  Gudaha H.E. Abdirizak Omar Mohamed , Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E. Ali  Ahmed Jama “Jangali”, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka Arrimah Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Ahmed Mohamed Ali “ Kediye” , Taliyaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Major General Abdirahman Mohamed Tuuryare, , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Major General Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” iyo Mas’uuliyiin kale .

Shir Jaraa’d oo si wadajir ah ay u qabteen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay Xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal ka dhaxeeya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya , kana qeyb qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha.

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Dhiggiisa Qatar ay kala hadleen Iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dowladood ay yeeshaan , xaaladaha ammaan darro ee Yemen , si gaar ah taageeridda iyo badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi .

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer waxa uu cadeeyay in Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yihiin mowqifka taageeridda Dowladda Sharciga ah ee Yemen , ayna rajeynayaan in nabadda iyo deganaanshaha dalkaasi dib u soo noqon doonto .

Wafdiga Dowladda Qatar ayaa waxa ay booqasho ku tageen dhul Dowladda hoose ee Muqdisho ay ugu deeqday oo ay ka dhisan doonaan Safaarad cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u mahad-celineysaa waajibka qaranimo ee ay guteen ciidamada ammaanka oo sugayay ammaanka wafdiga dowladda Qatar ee maanta soo booqday Muqdisho , taasoo muujineysa kobaca iyo dhismaha awoodda ciidamada Qaranka  .

Socdaalkani oo ah kii Seddexaad ee  Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu ku yimaado Caasimadda Muqdisho ayaa ku idlaatay  jawi guul ah .

DAAWO SAWIRADDA:-

DSC08015 DSC08016 DSC08021 DSC08022 DSC08024 DSC08025 DSC08029 DSC08032 DSC08034 DSC08037 DSC08039 DSC08040 DSC08041 DSC08042 DSC08043 DSC08044 DSC08047 DSC08048 DSC08050 DSC08051 DSC08052 DSC08055 DSC08058 DSC08059 DSC08062 DSC08063 DSC08064 DSC08065 DSC08069 DSC08070 DSC08071 DSC08076 DSC08077 DSC08082 DSC08083 DSC08087 DSC08089 DSC08090 DSC08093 DSC08096 DSC08098 DSC08099 DSC08100 DSC08102 DSC08104 DSC08105 DSC08106 DSC08107 DSC08108 DSC08110 DSC08111 DSC08112 DSC08113 DSC08114 DSC08115 DSC08116 DSC08119 DSC08120 DSC08121