Dimishiq:- Madaxa ergada QM ee dalka Syria oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dimishiq ayaa u sheegay warfidiyeenada in uu xaqiijinayo in dalka Syria uu kujiro dagaal sokeeye, maadama xukuumadda Syria ay gacanteeda kabaxday magaalooyin ay hadda gacanta ku hayaan mucaaradka.

Laanqeyrta cas ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda dalka Syria ay sii xumaanayso xilli dagaalada ay sii xoogeesanayaan taasi oo keeni karta in ay adkaato in gargaar loo fidiyo.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Hillary Clinton ayaa carabaabtay cabsida laga qabo in xukuumadda Russia ay u dirto dalka Syria diyaaraha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopters.

Afhayeenka kale mucaaraka hubaysan ee dalka Syria ayaa sheegay in ciidamadooda ka baxeen magaalada Al-xafa kadib duqeyn culus oo uga timid dhanka ciidanka xukuumadda Syria.

Mar sii horeysay Gudoomiyaha cusub ee golaha qaranka Syria C/baasid sayda ayaa sheegay in faragelin melatari lagu sameeyo dalka Syria aysan dhici Karin ilaa  ogolaansho laga helo golaha amaanka.

Sayda oo qabtay shirkiisa jar’aaid kadib markii uu la wareegay xilka ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta xialalka ka haysa maamulka madaxweyne Asad in ay iscasilaan islamarkaana ay ku soo biiraan golaha qaranka KMG .

Sidoo kale siida ayaa ugu baaqay ciidanka in ay sameeyaan gadood islamarkaana ay ku biiraan ciidanka xorta.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Butin ayaa markale ku celiyey sida uu uga soo horjeedo faragelin meltari dalka Syria. waxana uu sheegay in xoog uusan suurtagal ahayn si loo joojiyo dhiiga ku daadanaya dalkaas.

Madaxweyne Butin ayaa balan qaaday in xukuumadda ruushka ay sameyn doonto wax walbo oo awoodeeda ah six al loogu helo loolanka ka jira dalka Syria.

Butin ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu kala qeyb qaadan doono golaha amaanka arrimaha Syria islamarkaana uu sii wadi doono xiriirka uu la yeelanayo madaxweyne Asad iyo hogaanka Syria iyo madaxda kale ee dowlada carabta.

 Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring