Munaasabad  si heer sare ah loo soo agaasimay laaguna tala galay in lagu soo bandhigo Midoow ay midoobeen Madarasada  Al Kawsar iyo Macadka ibnu Xajar ,

Waxaa goob joog ka ahaa maamulah daladda Macaahidda sharciga ee Puntland ,mamulka Jaamacada Bariga Afrika  Ardaydii iyagu wax ka baran jiray Madarsada Al,Kawsar iyo  Masuuliyiin kaloo badan

Ugu Horaytii waxaa halkaa ka Hadashay Nadiifo C/rixmaan oo ah mamulah Madarasada .Al, Kawsar  waxayna mahad balaaran u jeedisay dhamaan ka soo qayb galayaashii munaasabadaas ,intaa kadib wax ay sheegtay in  al Kawsar iyo Ibnu Xajar ay u mudoobeen sidii ay u tayan lahaayeen aqoonta Dumarka gaar ahaan Dhan Shareecada iyo aqoonta kale ee lagu noolaado Hooyadana looga baahan yahay ,intaas ayey sii raacisay in madarasada  ay ahayd mid ay dhiganaayeen arday dumar ah oo dadaal muujiyay  inta kale aan dhigana loga doonaayo inay wax bartaan

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay isna Sh,Saciid Cismaan Yuusuf oo ah Maamulah Macadka Ibnu Xajar waxaana uu isgau ka dhawaajiyay in Al,Kawsar iyo Ibnu Xajar ay yihiin mid maantay laga bilaabo ardayda dhamaysana ay u Gudbayaan Jaamacada Bariga Afrika oo iyadu Xirir wanaagsan ay la leeyihiin taasna ay tahay Firsad qaaliyah oo la doonaayoh inlaga faa,idaysto isagoona sheegay in Ibnu Xajar uu yahay Hoy loogu Tala galay in wax lagu baro qofkii aqoon Doon ah isla markaana ay u taagan yihiin sidiii ay dadka u bari lahaayeen Shay Dadka Aakhiro iyo Aduunba an Faca ,

Waxaa isna goobtaas ka hadlay oo soo dhaweeyay arinkan maamulah daladda Macaahidda sharciga ee Puntland isagoo mahad balaaran u jeediyay Dadkii arinkan isku hawlay

Suldaan Ciise Maxamed Ciise oo ka mid ah Saadiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay arinkan ay labadan Madaraso ay ku mudoobeen

Ugu Dabaytii waxaa Soo gunaanaday Munaasabadii mamulka Jaamacada Bariga Afrika  Dr,C/saaq Hiirad Maxamed oo isna dhankiisa ugu Hanbalyeey Guusha ay Gaareen Al,Kawsar iyo Ibnu Xajar  ee iyagu midoobay waxaana uu sheegay in ay garab taagan yihiin ayna u balan qaadeen in ardaygii aqoon fiican la yimaadah ay wax walba diyaar ula yihiin

Al,Kawsar iyo Ibnu Xajar ayaa hada waxay yihiin kuwo midoobay diyaarnah u ah inaay Shareecada iyo aqoonta guudba baraan Dumarka

 

Sawiro




AXmed Nuune
SBC international Boosaaso