Ciidamada Maamulka Labaxay Soomaalilaand ee ku sugan deegaanka Sooljoogto oo buuhoodle u jirta ku dhowaad 20Km ayaa maanta goor duhurkii ah waxay madaafiic ku soo garaaceen deegaan ku dhow Buuhoodle oo lagu magacaabo Bali Shangale.

Lama sheegin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaasi, amana jiraa wax jawaab ah oo ay bixiyeen ciidamada Deegaanka ee ku sugan jiida hore ee dagaalka .

Tan iyo saaka magaalada Buuhoodle waxaa ka soconayay isku abaabul dagaal iyo isku hub urursi waxaana muuqaneysa in ciidamada Deegaanka ay ka go’an dahay difaaca deegaankooda iyagoona kuu sheegaya in ay dagaal ay kaga hortagaan maamulka Soomaaliland ay diyaar u yihiin.

Wararkii ugu dambeeyay aya asheegaya in labada dhinac ay soo gaarayaan gurmad aad u tiro badan oo kaga imaanaya deegaanada kale ee gobolka, waxaa la sheegay in ciidamada Soomaaliland uu gurmad uga imaanayo dhanka Degmada Burco .

Sikastaba ha ahaatee Waxaa iyana soo baxay warar sheegaya in ciidamo ka tirsanaa maamulka Soomaaliland oo ku kala sugnaa Magalooyinka Widh widh iyo Laasacaanood ay goosteen iyagoona ku dhawaaqay in ay yihiin ciidan u adeegaya Qaranimada Soomaaliweyn.

Cali Cismaan Yuusuf
SBC International Ceyn.