Haweenay u dhaley dalka Belgium oo lagu magacaabo Georgette Lepaulla ayaa soo jiitey indhaha iyo dareenka bulshada aduunka ku dhaqan ka dib markii ay noqotey qofkii ugu da’a weynaa ee Diinta Islaamka qaatey oo ILAAH u gargaaray, kana saarey mugdii iyo jahligii aduun iyo aakhiro ee diin la’aanta.

“ILAAHAY wuxuu iga aqbalay ducadeydii iyo salaadeydii waxaana isoo jiitey dadka wanaagsan ee saaxibadey ah” ayey tiri Lepaulla oo ka hadley sida ay ku qaadatey diinta Islaamka.

“Gacanteydu waxay aheyd mid taabata qof kasta gaar ahaan ragga ajanabiga ah laakiin wixii ka dambeeyey markii aan Muslimay waxay gacanteydu u noqonaysaa mid u gaar ah Ninkeyga oo kaliya, waxaana ka badbaadey in gacanteydu qofkii uu doono uu soo laaco” ayay hadalkeeda sii raacisay 92 sano jir Georgette Lepaulla.

Neecowda & qabowga diinta Islaamka waxay ku biday Georgette sanadkii hore xiligaasi oo uu ILAAH SW uu u soo diray nin ay daris yihiin oo lagu magacaabo Mohamed kaasi oo ay daris ahaayeen mudo 40 sano ka badan.

Mohamed, xaaskiisa & laba ilmood oo ay dhaleen waxay si wanaagsan u garaneyeen nolasha Georgette iyagoo is booqan jirey, iyadoo ka hadlaysa Georgette nolasha qoyskaasi waxay tiri: georgette_lepaulle

“Inaan qaato diinta Islaamka waxaa qayb ka ahaa qoyskan oo igu dhiiri galiyey gaar ahaan hab dhaqankooda, waxaan arki jirey iyagoo si wadajir ah u tukunaya, sida ay isugu yihiin dad is jecel oo ixtiraam isu haya, waxay aad uga duwanaayeen qoyskeena, tan iyo markii aan qaatey Diinta Islaamka war iyo wacaal toona kama hayo gabadheydii oo 72 sano jir ah”.

Iftiinka Islaamka: (Sidii ay u qaadatey Diinta Islaamka)

Georgette markii ay noqotey qof da’a ah oo u baahan in la xanaaneeyo waxay ilmihii ay dhashey geeyeen goobaha lagu hayo dadka waayeelka halkaasi oo ay uga tageen, laakiin qoyska Muslimiinta ah oo si weyn u garanayey shakhsiyada haweenaydan waxay ku casuumeen inay la noolaato oo ay iyagu hayaan, taasi oo ay aqbashay, waana taasi mida dhabaha u xaartey inay diinta Islaamka ku biirto markii ay aragtey naxariista iyo xushmada yar iyo weyn ay isku hayaan qoyskaasi.

Georgette Lepaulla oo 92 sano jir ku qaadatey diinta Islaamka waxay booqatey markii ugu horeeyey wadan Islaam ah, xagaagii la soo dhaafay ayey raacdey qoyskii ay dariska ahaayeen oo booqasho ku tagey wadanka Moroco oo ay asal ahaan ka soo jeedeen, Georgette dareenkeedu wuxuu ahaa mid aad uga duwan safaradii hore safarkan, waayo waxay haystaa nicmada aduun iyo aakhiro oo ah diinta Islaamka wuxuu safarkeedu ku soo aaday xili ay tahay bisha Ramadaan.

Waa markii ugu horeysay ee Georgette ay soomayso soon qiime badan oo oo aduun iyo aakhiro u wanaagsan, waxay tiri “Waan garanayey Soonka, waayo waxaan ahaa Catholic (Firqo ka mid ah diinta Kirishtaanka), waxaan tagi jirey Iskool Diimeed (Christian School), markii aan koray (waynaaday) waxaan shaqaale (adeegto) ka ahaa guri ay lahaayeen qoys Yuhuud, laakiin diinteedu ma aheyn mid i taabatey (I cajab galisay), waxaan ogaadey inaan ka dheera ALLE, waayo diinteydu iima diideyn inaan qamri cabo, sigaar dhuuqo, waxaana ku bilaabay cabista qamriga anigoo 7 sano oo kaliya jira”.

Qaadashada magaca Islaami ah:

Markii Georgette iyo qoyskii kale ee Muslimka ahaa ay ku soo laabteen wadanka Belgium waxay tagtey xarun Islaami ah halkaasi oo lagu gudoonsiiyey shahaado muujinaysa in magaceeda iska badashay waxay qaadatay magaca Noor Islaam (Iftiinka Islaamka) taasi oo ula jeedo inay heshay Iftiinkii aduunka.

Casuumadii Boqorka Sacuudiga & Hadiyadii qaaliga aheyd

Maamulka xaruntii islaamiga aheyd ee diiwan galiyey haweenaydan magacana siiyey waxay doonayeen inay ogaadaan in haweenaydan ay tahay qofkii ugu da’a weynaa Islaam noqda , waxaase loo sheegay in uu jiray hal nin oo u dhashay Jarmalka oo lagu magacaabo Karl kaasi oo 91 sano jir ku Islaamay sanado ka hor, waxaana sidaasi ay ku noqotey Noor Islaam qofkii ugu da’da weynaa ee Islaamka qaata, taasi oo loo diiwan galiyey.Georgette-Lepaulle

Isla markiiba arinkii Noor waxaa la gaarsiiyey Boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla wuxuuna hadiyad ahaan ugu soo dhiibay Saacad dahab ah oo qaali ah, wuxuuna ku casuumay sanadkan inay booqasho ku tagto wadanka Sacuudiga, iyadoo dhamaan qarashka safarka iyo nolasheeda ku baxaya ay bixinayso dawlada Boqortooyada Sacuudiga.

Georgette (Noor) waxay booqan doontaa inta ay ku sugan tahay wadanka Sacuudiga Goobaha Barakeysan ee ku yaal dalka Sacuudiga sida Makka & Madiina, iyadoo sheegtey inay ku faraxsan tahay casuumada Boqorka Sacuudiga, waxaana la shaaciyey in warbaahinta Sacuudiga gaar ahaan Telefishinka Dawlada uu toos u tabin doono booqashada Haweenaydan 92 sano jirka ah ee diinta Islaamka rabitaankeeda ugu soo biirtey.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com