Diinta Islaamka ee ah diinta muqadaska ah ee dunida ALLE dunida u soo dajiyey waxaya xiligan lagu tilmaamay diinta ugu kobaca badan aduunka, iyadoo tani qayb ka tahay ilaalada ALLE uu ilaashanayo diintiisa iyo Ummadaha Muslimiinta oo kaalin mug leh ka qaatay faafinta Islaamka.

Hadaba kobaca ay ku talaabsanayso diinta Islaamka iyo xurmada ay helayso ayaa waxaa qayb ka ah in ay diinteenna Islaamka ku soo biirayaan dadyow fara badan oo horey waxyaabo kale diin ahaan u haystey, tusaale ahaan wadanka UK sanadkii 2001-dii waxaa ku noolaa wadanka UK 60 kun oo qof oo diinta Islaamka qaatey, laakiin sanadkii 2010-kii oo kaliya sida uu qorey wargeyska Daily Mail waxaa diinta Islaamka qaatey 5200 oo qof kuwaasi oo 70% ay ahaayeen dad cadaan ah oo da’doodu u badan tahay 27 sano jir, iyadoo xiligan dadka Cadaanka ah ee asalkoodu British-ka yahay ee islaamka qaatey ay kor u dhaafeen 100 kun.

Guud ahaan Muslimiinta ku dhaqan wadanka Britian waxay tiradoodu gaaraysaa xiligan 2.8 milyan oo qof, waana taasi mida keentey qaylo dhaan badan ka timaado kooxaha cunsiriyiinta ah, kuwa Muslimiinta diidan iyo kuwa fikraha diimeed ee xagjirka ah iyagoo ku doodaya in Britain isku badali doonto Imaarad Islaami ah.

Laakiin madaxda Kaniisadaha wadanka UK waxay inta badan ka digaan faquuq lagu sameeyo ummadaha Muslimiinta iyagoo ugu baaqay dadka Britain inay xushmeeyaan Ummadaha la nool oo ay Muslimiintu ka mid tahay.

Hadaba arin ay aad u soo dhaweeyeen Muslimiinta UK iyo guud ahaan Caalamka Islaamka ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay telefishinka Chanel 4 oo ka mid ah xarumaha warbaahineed ee ugu waa weyn wadanka UK, iyadoo maamulka Tv-gaasi shaaciyeen inay bilaabayaan  inta ay socoto bisha Ramadaan in laga baahiyo Tv-ga aadanka salaada, iyadoo shanta xili ee salaadaha Aadanka toos looga baahin doono Telefishinka Chanel 4.

Ralph Lee oo ah madaxa Tv-ga Chanel 4 ayaa sheegay in 5% bulshada ku dhaqan Britain uu soonku khseeyo, isagoo muujiyey Muhiimada balaaran ee Ummadaha Islaamka uu u leeyahay Ramadaanka, waana taasi ayuu yiri mida aan u sameynay in aan xiliyada Salaada baahino aadanka salaada.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee taariikhda Tv British ah uu baahiyo aadanka Salaada, inkastoo wadankan ay ku yaalaan tiro Telefishino ay leeyihiin dad Muslimiin ama Hay’ado Islaami ah kuwaasi oo sanooyin badan baahinayey Aadanka Salaada iyo mawduucyo kala duwan oo la xiriira Islaamka.

SBC International News Desk