Munaasabad Balaaran oo siweyn loo soo agaasimayay islamarkaana xilalka ay ku kala wareegayeen Maareeyiha Shirkada Golis Aadan Sheeqdoon Cali iyo Maareeyaha cusub ee Xilka la wareegaya Cali Xaaji Warsame ayaa lagu qabtay xarunta Shirkada ee Magaalada Boosaaso.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiinta sar sare ee Shirkada Golis, marti sharaf,  shaqaalaha shirkada iyo saxaafada, waxaana hadalo ka soo kala jeediyay ugu horeyn masuuliyiinta Xilka kala wareegayay.

Aadan Sheeqdoon Maariyiha xilka wareejiyay ayaa halkaasi ka hadlay waxaana uu ka warbixiyay heerarkii ay shirkada Isgaariinta Golis Soomartay, isagoona mahad balaaran halkaasi ugaga jeediyay ka soo qeybgalka madaxda halkaasi ku sugneyd una hambalyeeyay Maareeyaha cusub eexilka la wareegaya.

Cali Xaaji Warsame oo ah Maareeyaha Cusub ee Shirkada Golis ee maanta xilka la wareegay ayaa halkaasi isna ka jeediyay hadal isagoona halkaasi ka cadeeyay in xilkii uu si toos ah kala wareegay maareeyihii hore ilaaheyna ka baryay in uu u fududeeyo xilka loo dhiibay.

Munaasabada ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay martisharaftii halkaasi ku sugnayd oo ay ka mid ahaayeen Culimaa udiinka Waxaana ka mid ahaa sheeq Daahir Aw Cabdi oo halkaasi ka jeediyay hadalo ku aadan islaamka sida uu u weyneynayo xilalka iyo Masuuliyada.

Waxaa isna halkaasi hadal  ka jeediyay gudoomiyaha Gudiga Aasaa sayaasha Shirkada Golis C/casiis Guureeye Kaarshe isagoona amaan iyo bogaadin u jeediyay Maareeyihii hore ee Shirkada Golis Aadan Sheeq doon cali una hambalyeeyay Maareeyaha Cusub ee Xilka la wareegay .

Sawiro



Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso