Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabereysatey deganaansho waxaana joogtey banaanbaxyadii labadii maalmood ee ugu dambeysay ka aloosnaa caasimada, iyadoo loo aaneynayo isbadalka dhanka amaanka ah eek u soo kordhay Muqdisho oo ay ugu wacan tahay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaarijiyey wasiirkii arimaha gudaha DFKMG.

Dadweynaha waxay si weyn u hadal hayaan dilkaasi iyagoo isla dhexmareya in hadii banaanbaxa uu sii socdo ay dhici karto in lagu soo dhex dhuunto taasi oo ah dignin ka timid taliska ciidamada DFKMG kuwaasi oo sheegay inaan loo baahneyn banaanbaxayaasha inay u soo dhawaadaan goobaha dawlada gaar ahaan fariisimada muhiimka ah.

Amaanka oo aad loo adkeeyey

Ka dib dilkii wasiirka arimaha gudaha dawladu waxay ku dhaqaaqdey talaabooyin dheeraad ah oo ku aadan xoojinta amaanka, waxaa ciidamo fara badan la soo dhoobay wadooyinka, iyadoo baaritaan shakhsi shakhsi ah lagu sameynayo dadweynaha la socda gawaarida caadiga ah iyo kuwa dadweynaha.

Taliyaha Guutada Madaxtooyada Qaranka Col.  C/laahi Cali Caanood  ayaa shacabka Soomaliyeed ku wargaliyey in ay muujiyaan dareenkooda, laakin aan gudaha loo soo galin baraha laga illaaliyo xarunta Madaxtooyada, isagoo sheegay in ay keeni karto in kooxaha qaswadayaasha ah ay ku soo dhex ganbadaan shacabka banaan baxyada samaynaya.

Dawlada ku dhawaaqdey in maanta ay tahay maalin aas qaran

War ka soo baxay xukuumada KMG ah ayaa lagu sheegay in maanta ay tahay maalin aas qaran oo loo sameynayo wasiirkii arimaha gudaha marxuum C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ay isku qarxisey gabar ay qaraabo yihiin.

Aaska wasiirka waxaa la filayaa inay ka soo qayb galaan Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isalwasaare Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiinta qaybaha dawlada & waliba dadweynaha Muqdisho

Shariif Xasan oo tacsi u direy ehelka qoyska wasiirka

Guddoomiyha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Tacsi u diray guud ahaan shacabaka gaar ahaan ehelldii & qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum C/shakuur Shiikh Xasan Faarax.

Shariif Xasan Shiikh Aadan wuxuu  sheegay in marxuumka ka baxay dowladda Soomaaliyeed in uu ahaa shaqsi si wayn ay u xasuusan doonaan shaqii uu u qabtay dowladda iyo Shacabka islamarkaana ay alle uga baryayaan inuu jannada uu ka waraabiyo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay taariikhada xusi doonto wasiirkii ka baxay, isagoo sheegay in ay ku xusuustaan guullihii ay gaareen ciidamada xoogga in uu kaalin wayn ka qaatay.

 Axmed Aar
SBC Muqdisho