Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Widh widh ee Gobobolka Ceyn ayaa sheegaya in Ciidan halkaasi ku sugnaa islamarkaana lagu tirinayay in ay ka mid yihiin Maamulka Soomaaliland uuna horkacayay gudoomiyihii hore ee Gobolka Ceyn Keyse Cabdi yuusuf ay iminka Calanka Soomaaliya ee Xidigta Shanta geesleh ka daageen deegaankaas gubeena Calankii Maamulka Soomaaliland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaflado iyo dabaaldegyo ay halkaasi ka sameynayaan shacabweynaha iyo ciidanka iyagoona ku faraxsan go’aanka ah in ciidamada iyo maamulkii halkaasi ka jiraba qaataan in ay ka mid yihiin Calanka Soomaaliweyn.

Lama garanayo Sababata keentay arintan balse waxaa laga warhayay in keyse Cabdi yuusuf oo horay uga sameystay Xisbi siyaasadeed dhanka Maamulka Soomaaliland islamarkaana lagu magacabay SSC ay halkaasi ku sugnaayeen .

Ma jiraan Faah faahino kale oo halkaasi ka soo baxaya, waxii ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe.