Guud ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan maamulka Ximin iyo xeeb ee gobolada dhexe ee dalka waxaa la dhigay jecbontiyaal ama jidgooyooyin ay ugu talageen maamulkaasi si ay u sugaan amaanka .

Maxamed Cumar Hadafey oo ka mid ah saraakiisha maamulkaasi ayaa SBC u sheegay in kontroladan ay dhigeen wadooyinka soogala deegaanada ay ka arimiyaan uu saldhig u yahay sidii loo sugi lahaa amaanka loogana hortagi lahaa cid alaala cidii damacda in ay falal amaan xumi ka geysata deegaanadooda.

Waxa uu xaqiijiyay mamsuulkaasi sidoo kale in dhinacyada Maamulka uu ka arimiyo ay yeelaan, iyadoona iminka ay jiraan dad lagu qabqaqabtay goobahaas oo loogaga shakiyay in ay ka qeyb qaadanayeen xaaladaha amaan ee gobolkaasi .

Sidoo kale Afhayeenka Ximan iyo xeeb Mr Hadafey waxa uu digniin u jeediyay dadka hubka sharci darada ah la soo galaya gobolka isagoona u sheegay in amaanku adagyahay qofkii lagu qabtaana hub sharci daro ah ay marsiindoonaan sharciga.\

Ugu dambeyntii maamulka ximin iyo Xeeb waxa uu ka mid yahay mamulada ka jira gobolada dalka Soomaaliya siiba gobolada dhexe waxaana uu maalmihii ugu dambeysay ku howlanaa sidii uu u hantiyi lahaa axaaladaha amaan ee ka jira gobolka .

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.