Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa maanta Xukun xarig dhan hal sano ku xukumay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buur-Madow oo mudo dhan 4 bilood u xirnaa eedeymo uu ku soo oogay maamulkaasi.
Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa xarunta gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee Soomaaliland ayaa saaka riday go’aanka Maxkamada ee xukunka Boqor Buurmadoow iyadoona ku xukuntay hal sano uu xadhig ah.
Eedeymo ku aadan in uu boqorku aflagaado u geystay Madaxda maamulkaasi ayaa uu u xidhnaa mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoona max kamadeyn arintaasi ku aadan ay ka socotay Maxkamada Haregysa.
Ciidamada Amaanka ayaa maanta Amaanka Maxkamada iyo deegaanada ka agdhow siweyn u adkeeyay maadaama lagu dhawaaqayay go’aanka maxkamada ay ku riday Boqor Buurmadow waxaana ugu dambeyntii halkaasi loogaga dhawaaqay Go.aankan .
Sikastaba ha ahatee Maxkamada Hargeysa ayaa u tiigsatay Xukunka Boqor buurmadow qodobka aflagaado loogeysto madaxda sar sare ee Maamulkaas Ciqaabta lagu muteysanayo .
SBC International Hargeysa.
Daalacatey :805