Maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay Gudi u gogol Xaaraya Wada hadal DKMG ah.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay Gudi ka shaqeynaya Wada hadal dhexmara Maamulkaas iyo Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya .

Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa ku sheegay wareegto uu soo saaray in magacaabista Gudigani ay wado mar u yahay Go’aamada shirkii londan ka soo baxay.

Lama faah faahin waxyaabaha ay gudigani awooda u leeyihiin ay qabtaan inkastoo ay wareegtadu ku qeexan tahay u gogol xaarista Wada hadal dhexmara Maamulka Waqooyi galbeed Soomaaliya ee Soomaaliland iyo weliba DKMG ah ee Soomaalia ee uu horkacayo madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Gudoga loomagacaabay howshan ayaa kuligood ka kooban wasiiro ku jira Maamulka Soomaaliland, kuwaasi oo ay kala yihiin
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Caabdullaahi Cumar
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
Wasiirka Cadaallada & Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo
Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Maxamuud.

Arinkan ayaa noqonaya mid laga filankaro waxyaabo badan oo qofwalboo soomaali ah maankiisa galaya maadaama Maamulka la baxay Soomaaliland uu Intii sanado aheyd ee ugu dambeysay sheeganayay in uu yahay Maamul gaar ah oo ka go’an Soomaaliweyn.

 SBC INternational Monitoring

5 Responses to Maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay Gudi u gogol Xaaraya Wada hadal DKMG ah.

  1. nora says:

    Mudanayasha ka tirsan Dawlada dhexe ee Somalia oo Muqdisho Fadhigeedu yahay asal ahaana ka soo Jeedah SL baa ka Masuul ah Siyaasada iyo Qadiyada SL Hadii Dr Silanyo uu u Helanyahay Wada hadal iyo Tala wadaga Mudane Buubaa iyo kuwa kale ee reer Waqooyi ha ka bilabo Wada Hadal iyo wax Wadaag waa siday ay ilatahay

  2. jareer weyne says:

    SOMALILAND WAXAAD XAQ U LEEDIHIIN AINAAD KAMIRA DHALISAAAN GOONI USU TAAGIINA YAAN LAGA TANAASULIN WAX YARBAA ININ DHIMAN EE DULQAATA DADKAAN DAD WAXA LALA QEEBSAN KARO MAHAN 1960 KII AYAAAD QALAD GASHEEN HADANE QALADKAAAS ISKA ILAALIYA GUUL SOMALILAND

  3. Puntander says:

    Khiyaalibey hayeen awal haday runta timid UK oo ay isku haleynayeen waxay u sheegeen Aqoonsi/Aqoonsi la’aan ay ay ka raadsadaay Jamuuriyadda Soomaaliya ayna yihiin Maamul Goboleed Galmudug oo kalaa Siilaanyana waa nin wax go’aansan kara ma ahan Riyaale oo kale Guul Soomaaliweyn

  4. ahmed abdi says:

    asc dhamaantiin salaan kadib horta runtii in lala furo wada hadal ma ahyn waayo waa ay kabadbadiyeen oo saqiir iyo kibir waxa ay caadeysteen inay dhahaan waxaanahy dowlad iyga oo ah qabiil marka maanaty in dowladii somaliyeed ladhaho hala hadlo waa arin xun weyaan ?? maba ogola magaca somaliyeed mid kale rag iyga matala waa ay joogaam ragaa in lagala hadlo ayey ahed waayo iyagu waaba ay aamisanyihiin somaliweyn inay jirto lkn raga hargaysa jooga maba aamisana wax ladhaho somali

  5. mustafe says:

    AAD BAAN U SOO DHAWAYNAYAA WADA HADALKA SOMALIALND IYO SOMALIA WAAYO REER SOMALILAND IN BADAN OO DAD DULQAADO WAY DULQAATEEN 22 SANO MAANTA HADII LA YIDHI BAL WADA HADLA WAXAAN FILAYAA IN AY FASAXAAN WALALAHA SOMALIYEED SI AAN IYAGANA U BARNO DAWLAD NIMADU WAXAY TAHAY IYO NABADA MACAANKEEDA SOMALILAND HADII LAGU DHAWAAQO IN AY GO.DO IYO HADII KALENA WALIGEED MASOO NOQONAYSO SXBAYAAAL WAXAAN USHEEGAYAA WIXII SOMALIWEYN WALI AAMINSAN WAA NIN AAN OGAYN TAARIKHDA LA MARAAYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print