Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa xarunta gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka Halkaasi Ka arimiya ee Soomaaliland uu albaabada isugu dhuftay Tv-ga Horn Cable ee ka howlgala Halkaasi.

Agaasimaha Tv-gaasi Maxamed Cabdi ayaa u xaqiijiyay Saxaafada Arintan isagoona sheegay in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay hareereeyeen Xarunta tv-ga islamarkaana ay ku amreen in albaabada la isugu dhufto.

Lama xaqiijin karo ilaa iyo sababha ugu weyn ee tv-gaasi lagu xiray balse waxaa soo baxaya warar ku aadan warar ay baahiyeen Tv-ga oo uu ka xumaaday Maamulkaasi.

Sikastaba ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tvgu uu hawada ka baxay islamarkaana aan jirin wax shaqo ah oo uu hayo .

SBC International News Desk