Wasiirka Gaashaandhiga ee Mamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dagaal gadmo ah lagu soo qaaday farsiimada Ciidamada maamulka Somalind ee Deegaanka Sool joogto isaga oo qiray in Khasaare uu soo gaaray Ciidankooda.

Mr Cadami ayaa waxaa uu shirka jaraaid ku sheegay in koox isa soo abaabushay ay weerar ku so qaadeen ka dibna ay ciidamadooda ka qabsadeen Gadiid Dagaal iyo hub wallow uu sheegay in markii danbe ay dib ula soo noqdeen wixii looga qabsaday Dagaalka sida uu hadalka u dhig

Wasiirka Maamulka  Somaliland waxaa lagu sheegay in 12 ka mid ah ciidamadooda ay waxyeelo ka soo gaartay Dagaalka.

DHAGEYSO SHIR JARAA’ID WASIIR GAASHAANDHIGA SOMALILAND

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland waxaa uu sheegay in weli dagaalka uu yahay mid soconaya islamarkaasina ay ciidamdooda gareen gurmad farabadan waxaana uu ka digay Khasaaraha dagaalka ka dhasha uu baahi karo.

Dagaalka ka soconaya Deegaanka Sool joogto ayaa ah mid soo noqnoqday Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Somaliland dagaalka Faraha la iskula tagay uu ku dhexmaray iyaga Ciidamada Deegaanka kaasi oo khasaare laxaad leh uu ka dhashay.

SBC International Monitoring