Qoraal ka soo Baxay Wasarada Qorshaynta iyo Xirirka Calamiga ah ee Maamulka Puntland ayaa maanta Ruqsadii ay ku shaqaynayeen loga noqday 173 Urur oo maxali ahaa kuwaas oo ka Hawlgalayey Puntland, kadib markii ay isku bateen Ururadda Maxamliga ah ee ka shaqeeya Puntland taas oo sababtay Cabasho badan oo ka timada dhanka ururadda oo aan helin mashaarico iyo tayo xumo sida lagu cadeeyay Qoraalka maanta ka soo baxay Wasarada qorshaynta

Axmed Xariir Gaas waa madaxa Ururaada wasarada qorshaynta Xafiiska isku dubaridida mashaarcida waxaa uu ka bixinayay fahfahin dherada waxa keenay in Ururada intaas le’eg  ay ruqsadii ugalana noqdeen Waxaanu sheegay in Wasaaradu ay Go’aankan soo saartay ka dib cabashooyin

Inkastoo ay jiraan Ururaddani maxaliga ah masharic la waday Ha’yado Calamiya ah oo lagala noqday ruqsadii aqoonsiga sida laga yeelayo oo aan waydiiyay xafiska ay qoraalku ka soo baxay ayaa uu sheegay in hay’adaha shaqada kala dhaxeysay ururada Ruqsada lagala noday ay la socodsiiyeen islamarkaana wadashaqeyntii ay ku egtahay Maanta.

Waa markii ugu horaysay ee wasarada Qorshaynta Xirirka Calamiga ah ee Puntland ay kala noqoto ruqsada Ururo tiradoodu garasyo 173 walina ma jirto wax war ah oo ka soo baxay  Ururada maxaliga ah.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe