Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Dr C/raxamaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland waxa uu kaga hadlay Dilkii Saaka Aroornimadii hore ka dib salaada subax loogu geystay Marxuum Dr Axmed Xaaji Cabdiraxman gudaha Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay falkaasi isagoona u diray tacsi dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Ditoorka isagoona u rajeeyay in alle uu ka waraabiyo Janatul firdowsa intii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale waxa uu ku eedeeyay falkaasi in ay ka dambeeyaan dad iyagu dagaal kula jira Aqoonyahanada iyo masiirka umada Soomaaliyeed isagoona ku tilmaamay kuwo aan naxariis laheyn.

Sidoo kale Laamaha kala duwan ee wasaaradaha Dowlada Puntland sida Wasaarada Amniga, iyo wasaarada Waxbarashada ayaa tacsi ka diray waxaana la hadlay SBC International qaar ka mid ah Masuuliyiinta wasaaradahaasi iyagoona ugu horeyn tacsi u diray eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay.

Wasaarada Amniga Puntland ayaa sheegtay in ay wadaan Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka laguna daba galayo cidii ka dambeysay dilka Sheeq Dr Axmed xaaji Cabdi raxmaan, sida uu qiray wasiirka Arimaha Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Alle ha u naxariistee Dr   Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa manta durhurkii waxaa lagu aasay Qabuuraha duleedka bari ee magaalada Boosaaso, iyadoona ay aaskiisa goob joog ahaayeen dadweyne aad u tiro badan.

SBC International Garoowe