Maamulka Puntland ayaa war uu ka soo saaray koox looga shakisan yahay burcad badeed oo ay siidaayeen ciidamada la dagaalanka Burcada Badda ee Nato kuwaasi oo dhawaan laga qabtay xeebaha u dhow Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Liibaax Joore) oo la hadlay warbaahinta ayaa shegay in Maamulka Puntland uu xiriir la sameeyay Ciidamada Badda ee Siidaayay koox looga shakiyay burcad badeed oo dhawaan gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Amaanka

Mr Libaax joore ayaa sheegay in kooxda Burcad Badeeda Looga shakiyay la siidayay 25-ka Bishii aynu soo dhaafnay isaga oo sheegay sababta ay ku sheegeen ciidamada Siidayay inaysan fasax u haysan inay xabisaan ama cid ku wareejiyaan dad aan lagu qaban Hub.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Liibax joore waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland uu dhacdadaas ka xumaaday islamarkaasina dhawaan la qaban doono shir arintaas looga tashanayo gar ahaan xiriirka ciidamda Ilalada ka ah xeebaha u dhow Puntland.

Ciidamada la dagaalanka u jooga xeebaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore u siidayay dad ay uga shakiyeen burcad badeed kuwaasi oo laga qabtay xeebaha u dhow soomaaliya halka qaar kale oo ay ku qabteen qalabka burcadu isticmaasho ay ku wareejiyeen Maamulka Puntland iyo Dowladaha Gobolka sida Kenya oo kale.

ma jirto wax war ah oo uu maamulka Puntland ka bixiyay halka lagu siidayay Burcad badeedan Soomaalida in ay ka tirsan tahay deegaanada Puntland iyo Inkale.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring