Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa ku amray shacabka magaaladaasi ee ganacsiga ku heysta goobaha wadooyinka ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugaga guuraan .

Warkan oo uu soo saaray maamulka magaalada kismaayo ayaa waxaa lagu wargeliyay boqolaal ka tirsan ganacsatada yar yar ee magaalada Kismaayo iyagoona durbadiiba bilaabay ka hadalka arintani iyo in ay qaarkood isaga kacaan goobaha wadooyinka ah .

Gudoomiyaha maamulka Alshabaab ee magaaladaasi Kismaayo ayaa SBC international u xaqiijiyay in laga bilaabo maanta dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo gaar ahaan kuwa sida sharci darada ah ku degen wadooyinka magaalada Kismaayo ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, kuwaasi oo uu sheegay in horay loogu sameeyay suuqyo ay ku ganacsadaan.

Wararkan ka soo yeeray maamulka Kismaayo ayaa maanta siweyn la isula dhexmarayay suuqyada magaalada iyadoona dadka lagu amray in ay goobahaasi ka guuraan ay ka mid yihiin kuwa waratada loo yaqaan ama ganacsatada yar yar .

C/qani Maxamed Cali
SBC International Kismaayo.