Maamulka Isbitaalka Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aan  Wariye Xasan Maxamed Cali Anteeno oo maanta lagu dhaawacay magaalada Boosaaso waxba looga qaban karin gudaha isbitaalka.

Wariy Xasan  Maxamed  Cali (Anteeno ) oo ka shaqeynayey idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray rasaastii ay ku dhufteen kooxii bastoolada ku hubeysan oo waxyeeleeyey xili uu Wariyuhu fadhiyey goob shaaha laga cabo oo ku dhow xarunta Idaacadaasi.

Maxamed Axmed Xuseen (timo jilic )  oo ah maamulaha isbitaalka ayaa shirka saxaafadeed uu qabtay galabta wax uu ku sheegay in uu wariye Xasan uu ubaahan yahay in loo qaado dalka dibadiisa si halkaa loogu soo dabiibo madaama ay xabadu kaga taal meel halisa sida uu sheegay, waxaanu intasi ku daray in ay ku dadaaleen  intii ay dadaali karaan  isla markaana ay halis gali karto naftiisa hadii uu ka daaho dabiibka dibada loogu qaadayo .

Sidoo kale maamulka Idaacada codka nabada Boosaaso ayaa iyaguna wada qoreshe dibada loogu qaado wariye Xasan Maxamed Cali  Anteeno oo  hada ku jira isbitaalka magaalada Boosaaso.

Axmed Maxamed Axmed (Nuune)
SBC International Boosaaso