Maamulaha Hospitaalka Bosaso Maxamad Axmad Xuseen ayaa maanata xafiiskiisa waxa uu Basabooro Ku gudoonisiiyay Aabe Xaaji Kuusow Yarow iyo Gabadh yar uu dhalay Gabadha yarta ah oo lagu magacaabo Nuune Xaaji Kuusow Yarow ayaa ah gabdha yar oo da,deedu ay tahay 6 Sano jir gabadha aya qabta Xanuunka Gansarka oo jirkeeda oo idil dhaawc u geysatay.

Baasaboorada ay maamulka Hospitaalku Gudoonsiiyeen ayaa ah kuwo larabo in ay ugu anba baxaan Dalka turkiga Kadib markii Dhawaan ay Taqaatiirtii Turkiga ahaa ee Bosaso yimid ay sheegeen IN aan gabadhaan yarta ah aan Dalka wax looga Qaban karin rabaana in ay geeyaan Dalka Turkiga.

Maxamd Axmad Maamulaha Hospitaalka Bosaso  ayaa Aabaha u sheegay in ay Taqaatiirtii Turkiga ay udireen Basaboorkan ayna sogayaan Jawaabta Ktimaada Dhankooda.

Qoyska ay ka xanuusan tahay Gabadhan yarta ah ayaa ah Qoysaska Barkacayaasha ah ee ku nool Magaalada Bosaso .

Hospitaalka Guud ee Bosaso ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii uu ugacan qaban lahaa Dadka Danyarta ah ee aan awoodin xanuunada Qaar in ay latacaalaan . .


Gabadha Yar ee Xanuunsan iyo weliba Aabaheed.


Cismaan Saalax Ismaaciil

SBC International Boosaaso