Maamulka Gobolka Sanaag Puntland ayaa sheegay in aanay u dulqaadaneyn goob ka mid ah gobolkaasi oo uu lugta soo dhigo madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha gobolkasi.

Maxamuud Siciid Nuur gudoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlayay SBC Intenational ayaa sheegay in iminka ay u diyaar garoobayaan sidii ay u difaaci lahaayeen gobolka islamarkaana ay ka di faaci lahaayeen sida uu sheegay Maamulka soomaali diidka ah ee la baxay Soomaaliland .

Gudoomiyaha ayaa SBC La hadlay xili ay ku sii jeedeen wafdi uu horkacayay oo ka koobnaa dhinacyada Saraakiisha Amaanka iyo maamulka gobolka Sanaag deegaano ka mid ah afaafka hore ee gobolka sanaag, halkaas oo sida uu sheegay ay ugu sii jeedaan sidii ay u xaqiijiyaan ku sugnaashada ciidamada Puntland ee gobolka.

sikastaba ha ahatee xaaladan ayaa ku soo aadeysa xili Habeenimadii xalay aheyd uu qaab dhuumasho ah ku soo galay degmada Ceeri gaabo Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Soomaaliland Mr Siilaanyo iyo Wafdi uu horkacayo, safarkaas oo qeyb ka ah safaro uu maalmihii ugu dambeeyay madaxweynaha maamulkaas uu ku marayay deegaano ay ugu yeereen in ay ka tirsanyihiin Somaliland.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Boosaaso.